HORDHAC: Real Madrid v Barcelona.

0
62

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Labada kooxood ayaa laba jeer hore xilli ciyaareedkan u kulmay, Madrid ayaa soo guuleysatay kulankii horyaalka La Liga halka Barca kaga soo guuleysatay dhigeeda Finalkii Spanish Super Cup ee Saudi Arabia ka dhacay.

Wararka Labada Kooxood

Carlo Ancelotti ayay ka maqnaan doonaan labada daafac ee David Alaba iyo Ferland Mendy balse waxa usoo laabtay da’yarka weerarka ee Rodrygo Goes.

Aurelien Tchouameni iyo Luka Modric oo la nasiyay kulankii hore ayaa la filayaa inay kusoo wada bilawdaan khadka dhexe waxaana kala dheeli kara Toni Kroos.

Nacho ayaa markale doorka daafaca bidix ciyaari doona halka Valverde saddexleyda weerar kala soo muuqan karo Karim Benzema iyo Vinicius Jr.

Barcelona dhinaceeda waxaysan ku tashanayn xiddigaha kala ah Pedri Gonzalez iyo Ousmane Dembele oo dhaawacan laakiin waxa usoo kabtan Ansu Fati.

Barca waxa sidoo kale ka maqnaan doona mashiinkeeda goolasha ee Robert Lewandowski oo dhaawac gaadhay ciyaartan kahor.

Gavi, Torres iyo Raphinha ayaa la filayaa inay saddexda weerar ee Barca kasoo wada muuqdaan halka Kessie, Busquets iyo De Jong doorka khadka dhexe dheelayaan.

Ronald Araujo ayaa markale daafaca midig ciyaari kara si uu Vinicius Jr ula tacaalo iyadoo Jules Kounde daafaca dhexe kala dheelayo Christensen.

Shaxaha Macquulka Ah

Real Madrid (4-3-3)Courtois; Carvajal, Militao, Rudiger, Nacho; Modric, Tchouameni, Kroos; Valverde, Benzema, Vinicius Jr.

Barcelona (4-3-3): ter Stegen; Kounde, Araujo, Christensen, Alba; de Jong, Busquets, Kessie; Raphinha, Torres, Gavi

Xogta Kulanka

Tartanka: Copa Del Rey

Garoonka: Santiago Bernabeu

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Jose Munuera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here