HORDHAC: Man United v Sevilla

0
126

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Manchester United ayaa caawa lugta hore ee wareega siddeed dhammaadka UEFA Europa League la ballansan dhigeeda Sevilla oo ah kooxda ugu guulaha badan taariikhda tartankaas.

Manchester ayaa saddex sano kahor mar wareega afar dhammaadka ee tartankan guuldarro kagala kulantay Sevilla oo ugu dambayn koobkana ka qaaday Inter Milan.

Waa kooxdii afraad ee Spanish ah ee ay Red Devils tartankan kula kulmaan xilli ciyaareedkan waxaana ka horreeyay Real Sociedad oo ay wareega Group-yada isku soo arkeen, Barcelona iyo Real Betis.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Warka naxdinta ku ah Man United ayaa ah in hoggaamiyaheeda xilli ciyaareedkan ee Marcus Rashford uu gaadhay dhaawac uu ku maqnaan doono dhawr toddobaad.
Manchester sidoo kale waxa dhaawacyo ka qaba kulankana seegaya markale Luke Shaw, Van De Beek, Tom Heaton iyo Garnacho.

Warka u fiican Red Devils ayaa ah in halbawlaheeda Casemiro ciyaarayo kulankan kaddib kulamo afar ah oo tartamada gudaha ah oo uu maqnaa, Sabitzer ayuu khadka dhexe kala soo muuqan karaa.

Dalot, Varane, Martinez iyo Malacia ayaa la filayaa inay daafaca wada dheelaan halka Bruno uu No.10 ciyaari karo isagoo ka dambaynaya Jadon Sancho, Martial iyo Antony.

Sidoo kale waxa jirta suurogalnimo uu Ten Hag kusoo xulan karo weeraryahan Wout Weghorst isagoo keydka kusoo bilaabaya Martial.

Sevilla waxa dhaawacyo ka qaba Joan Jordan iyo Jesus Manuel Corona halka Pape Gueye uusan tartankan kooxda ku meteli karin.

Shaxaha Macquulka Ah

Man United (4-2-3-1): de Gea; Dalot, Varane, Lisandro Martinez, Malacia; Casemiro, Sabitzer; Antony, Bruno Fernandes, Sancho; Martial

Sevilla (4-2-3-1): Bono; Montiel, Bade, Gudelj, Acuna; Fernando, Rakitic; Ocampos, Torres, Lamela; En-Nesyri

Xogta Kulanka

Tartanka: Europa League

Garoonka: Old Trafford

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore:Felix Zwayer (Germany)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here