HORDHAC: Man United v Man City.

0
76

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Kooxaha magaalada Manchester kasoo wada jeeda ee Manchester United iyo Manchester City ayaa galabta ku ballansan gegida Wembley Stadium kulanka kama dambaysta ah ee FA Cup.

Sky Blues oo hore ugu soo guuleystay Premier League sidoo kalena jooga Finalka Champions League ayaa doonaya hanashada saddexley koobab ah.

Man United oo ah kooxda kaliya ee English ah ee saddexdaas koob hal xilli ciyaareed wada qaaday ayaa maanta haysata fursad ay rekoodhkaas ku difaacato.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Pep Guardiola ayaan wax werwer ah qabin kulanka kahor waxaana usoo wada kabtay xiddigaha jugta ka qabay ee De Bruyne, Grealish iyo Dias si lamid ah Manuel Akanji.

Goolka City ayuu Guardiola xaqiijiyay in Ortega kusoo bilaaban doono waxaana la filayaa inay saddexda daafac ee ka horeeya noqdaan Dias, Walker iyo Akanji.

John Stones ayaa khadka dhexe kala dheeli doona Rodri halka Gundogan iyo De Bruyne No.10 ciyaarayaan iyadoo Bernardo iyo Grealish garbaha weerarka ka caawinayaan Haaland.

Erik Ten Hag ayaa isagu dhaawacyo kala duwan ku qaba Man United waxaana ugu dambeeyay oo liiska kaga biiray Anthony Martial iyo Antony Santos.

Red Devils waxa sidoo kale ka dhaawacan Lisandro Martinez, Phil Jones, Marcel Sabitzer iyo Donny van de Beek.

Wan Bissaka, Varane, Lindelof iyo Shaw ayaa daafaca kusoo wada bilaaban kara markale halka Fred khadka dhexe kaga soo hormari karo Eriksen isagoo Casemiro ka garab dheelaya.

Garnacho ayaa garabka bidix kasoo muuqan kara isagoo weerarka kala ciyaaraya Jadon Sancho iyo Marcus Rashford halka Bruno ka dambayn doono.

Shaxaha Macquulka Ah

Man City (3-2-4-1): Ortega; Akanji, Dias, Ake; Stones, Rodri; Bernardo, De Bruyne, Gundogan, Grealish; Haaland

Man United (4-2-3-1): de Gea; Wan-Bissaka, Varane, Lindelof, Shaw; Casemiro, Fred; Sancho, Bruno Fernandes, Garnacho; Rashford

Xogta Kulanka

Tartanka: FA Cup Final

Garoonka: Wembley Stadium

Wakhtiga: 5:00 galabnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Paul Tierney