HORDHAC: Man City v RB Leipzig.

0
62

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Manchester City iyo tababare Pep Guardiola ayaa lugta labaad ee wareega 16-ka caawa Etihad Stadium kusoo dhawayn doona RB Leipzig oo Germany uga imanaysa.

Pep iyo City oo si joogto ah ugu fashilmayay Champions League sanadihii ugu dambeeyay ayaa markale dadaal badan u gali doona sanadkan iyagoo caawa ka cararaya madax xanuunx xilli horeba tartanka lagaga cidhib tiro.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Pep Guardiola ma jiro wax dhaawacyo ah oo uu ka werwerayaa, waxay u muuqataa inuu haysto saf buuxa oo taam ah.

Walker oo kulankii horyaalka ee Palace fadhiyay ayaa Stones daafaca midig kala bixi kara, Gundogan iyo De Bruyne ayaa lagu wadaa inay kasoo hormaraan Bernardo Silva iyo Foden halka Grealish iyo Mahrez garbaha weerarka ka caawin doonaan Haaland.

RB Leipzig ayuu haystaa warka naxdinta leh ee ah in Christopher Nkunku oo dhawaan uun dhaawac jilibka ah kasoo kabtay uu gaadhay dhaawac kale oo muruqa ah oo uu kulankan ku maqnaanayo.

RB waxa sidoo kale ka maqnaan doona Xaver Schlager, Peter Gulacsi iyo Abdou Diallo.

Shaxaha Macquulka Ah

Man City (4-2-3-1): Ederson; Walker, Akanji, Dias, Ake; Rodri, Gundogan; Mahrez, De Bruyne, Grealish; Haaland

RB Leipzig (4-2-3-1): Blaswich; Henrichs, Orban, Gvardiol, Halstenberg; Laimer, Haidara; Szoboszlai, Forsberg, Werner; Silva

Xogta Kulanka

Tartanka: Champions League

Garoonka: Etihad Stadium

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Slavko Vincic (Slovenia)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here