HORDHAC: Man City v Fulham – Sky Blues Oo Hoggaanka U Socda, Haddii Haaland Diyaar Yahay & Xogaha Kulankan.

0
90

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester City ayaa caawa soo dhawaynaysa dhigeeda Fulham kulan Premier League ah oo ay ku doonayso inay kula sii wareegto hoggaanka horyaalkaas ay difaacanayso.

Guul ay gaadho Sky Blues ayay hal dhibic hoggaanka ugaga qaban doonaan Arsenal oo berri kulan adag Stamford Bridge ku booqanaysa Chelsea.

Pep Guardiola ayaa ka werwersan taam ahaanshaha weeraryahan Erling Haaland oo labadii kulan ee ugu dambeeyay dhaawac ku seegay, haddii uusan dib u dhac kale ku iman soo kabashadiisa ayaa la filayaa inuu kusoo bilawdo ciyaartan.

Sky Blues waxa wali dhaawacyadii ay qabeen kaga maqan Kyle Walker iyo Kalvin Phillips, goolhaye Ederson oo kulankii Sevilla ee Champions League la nasiyay ayaa la filayaa inuu kusoo bilawdo.

Stones iyo Akani ayaa midkood daafaca midig ciyaari karaa iyadoo Joao Cancelo booska daafaca bidix tagayo haddii uusan Guardiola dooran inuu Ake daafaca bidix dheelo isla markaana Cancelo daafaca midig ka ciyaaro.

Phil Foden iyo Jack Grealish ayaa markale kasoo hormari kara Riyad Mahrez iyadoo ay safka weerarka ku wehelin doonaan Haaland.

Dhinaca Fulham waxa ganaax ku maqnaan doona Bobby Reid halka uu dhaawac jilibka ah oo halis ah mudo bilooyin ah garoomada ku seegayo Kebano.