HORDHAC: Man City v Chelsea

0
38

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Manchester City oo horyaalkii saddexaad ee xidhiidh ah ee PL ku guuleysatay iyadoon toddobaadkan ciyaarin ayaa caawa Etihad Stadium kusoo dhawayn doonta kooxda Chelsea oo xilli ciyaareed adag qaadanaysa.

Man City ayaa hanashada horyaalka loo caleemo-saaray kaddib markii ay xalay Nottingham Forest guuldarro baday kooxda booska labaad ee Arsenal.

Pep Guardiola iyo xiddigihiisa ayaa la filayaa inay sacab iyo saf-sharafeed ka helaan Frank Lampard iyo ciyaartoyda Chelsea kaddib hanashadooda horyaalka.

Wararka Labada Kooxood

Guardiola ayaa la filayaa inuu afarta daafac kusoo wada bilaabo Stones, Dias, Akanji iyo Laporta isagoo nasin kara Kyle Walker.

Rodri ayaa No.6 dheeli kara iyadoo ay ka horreeyaan Kevin De Bruyne iyo Gundogan halka Mahrez iyo Foden oo garbaha kusoo bilaabanayaan kasoo hormari karaan Grealish iyo Bernardo Silva iyagoo weerarka dhexe ka caawinaya Haaland.

Dhinaca Chelsea waxa kulankan dhaawacyo kaga maqnaan doona xiddigaheeda kala ah Reece James, Mason Mount, Armando Broja, Marc Cucurella, Ben Chilwell iyo Kante.

Chalobah, Silva, Badiashile iyo Hall ayaa la saadaalinayaa inay daafaca Blues kasoo wada muuqdaan halka ay saddexleyda khadka dhexe noqon karto Loftus-Cheek, Gallagher iyo Enzo Fernandez.

Raheem Sterling oo laba gool dhaliyay kulankii ugu dambeeyay ayaa kahor tagaya kooxdiisii hore waxaana weerarka kala soo muuqan kara Felix iyo Madueke.

Shaxaha Macquulka Ah

Man City (4-2-3-1): Ederson; Stones, Dias, Laporte, Akanji; Rodri, Gundogan; Mahrez, De Bruyne, Foden; Haaland

Chelsea  (4-3-3): Kepa; Chalobah, Silva, Badiashile, Hall; Loftus-Cheek, Fernandez, Gallagher; Madueke, Felix, Sterling

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Etihad Stadium

Wakhtiga: 6:00 fiidnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Michael Oliver

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here