HORDHAC: Inter v AC Milan

0
102

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxaha magaalada Milano wada dega ee Inter iyo AC Milan ayaa caawa markale isku faro-saari doona gegida San Siro lugta labaad ee afar dhammaadka Champions League xilli ciyaareedkan 2022-23.

Inter Milan ayaa kulanka imanaysa iyadoo gacanta sarre haysata isla markaana kulankii hore 2-0 kusoo adkaatay, waliba Nerazzuri ayaa ah kooxda caawa garoonka loo xisaabinayo ee taageerayaasha badsan doonta labada dhinac.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Tababare Simone Inzaghi ayaa la filayaa inuu markale saddexdiisa daafac dhexe kasoo dhigto Matteo Darmian, Francesco Acerbi iyo Alessandro Bastoni hala uu garbaha daafaca u adeegsanayo Dumfries iyo Dimarco.

Waxa macquul ah inuu markale keydka dhigo Brozovic isagoo khadka dhexe kusoo wada bilaabaya Barella, Calhanoglu iyo Mkhitaryan halka uu labada weeraryahan u xulanayo Lautaro iyo Dzeko isagoo Lukaku gadaal bedel ku keenaya.

AC Milan dhinaceeda waxa tababarka ugu soo laabtay hoggaamiyaha weerarkeeda ee Rafael Leao oo lugtii hore seegay balse wali lama hubo haddii uu taam buuxa yahay.

Sidoo kale Rossoneri waxa uu shaki ku jiraa haddii ay diyaar yihiin Rade Krunic iyo Junior Messias oo labaduba seegay ciyaartii Spezia ee toddobaadkan.

Calabria, Kjaer, Tomori iyo Hernandez ayaa markale afarta daafac u noqon kara Milan walow ay fashilmeen lugtii hore.

Tonali, Pobega iyo Krunic ayaa la saadaalinayaa inay khadka dhexe kasoo wada muuqdaan halka Diaz, Saelemaekers iyo Giroud ay weerarka ku midoobi doonaan haddii Leao taam noqon waayo.

Shaxaha Macquulka Ah

Inter Milan (3-5-2): Onana; Darmian, Acerbi, Bastoni; Dumfries, Barella, Calhanoglu, Mkhitaryan, Dimarco; Martinez, Dzeko

AC Milan (4-2-3-1): Maignan; Calabria, Tomori, Kjaer, Hernandez; Tonali, Pobega; Diaz, Krunic, Saelemaekers; Giroud

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: San Siro

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Clement Turpin (France)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here