HORDHAC: Chelsea v Real Madrid

0
97

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Chelsea oo ay hortaalo shaqada adag ee ah inay laba gool kasoo kabato ayaa caawa garoonkeeda Stamford Bridge kusoo dhawaynaysa kooxda Champions League difaacanaysa ee Real Madrid.

Labada kooxood ayaa kusoo kala guuleystay tartanka labadii sano ee ugu dambeeyay oo ay labada jeerba wareegyada hore isku reebeen, markale Los Blancos ayaa ku dhaw inay tartanka ka cidhib tiraan Blues.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Frank Lampard waxa uusan kulankan ku xisaabtami doonin Armando Broja iyo Kalidou Koulibaly oo dhaawacyo qaba iyo Ben Chilwell oo casaan ku qaatay lugtii hore.

Wesley Fofana iyo Thiago Silva ayaa la filayaa inay ku midoobaan daafaca dhexe halka Reece James iyo Cucurella garbaha daafaca kasoo muuqanayaan.

Enzo, Kante iyo Kovacic ayaa markale khadka dhexe kusoo wada bilaaban kara halka Mudryk uu weerarka kala soo muuqan karo Havertz iyo Felix taas oo ka dhigan inay suurogal tahay in Sterling keydka soo fadhiisan karo.

Real Madrid waxa markale ka maqnaan doona daafaca bidix ee Ferland Mendy, Toni Kroos iyo Vini Jr oo la nasiyay kulankii La Liga ee toddobaadkan ayaa soo laabanaya.

Carlo Ancelotti ayaan la filayn inuu isbedelo ku sameeyo shaxdii uu lugtii hore kaga adkaaday Blues, Camavinga ayaa markale daafaca bidix dheeli doona halka Kroos, Modric iyo Valverde khadka dhexe kusoo wada bilaabanayaan.

Shaxaha Macquulka Ah

Chelsea (4-3-3): Kepa; James, Fofana, Silva, Cucurella; Enzo Fernandez, Kante, Kovacic; Mudryk, Havertz, Felix

Real Madrid (4-3-3): Courtois; Carvajal, Militao, Alaba, Camavinga; Valverde, Modric, Kroos; Rodrygo, Benzema, Vinicius Jr.

Xogta Kulanka

Tartanka: Champions League

Garoonka: Stamford Bridge

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Daniele Orsato (Italy)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here