HORDHAC: AC Milan v Tottenham

0
82

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxaha AC Milan iyo Tottenham ayaa ku ballansan gegida San Siro lugta hore ee isku dhacooda iyadoo tababare Antonio Conte ku laabanayo dalkiisa Talyaaniga.

Milan ayaa kulankan imanaysa iyadoo toddobaadkan guul dirqi ah kasoo gaadhay Torino halka Spurs ay fadeexad 4-1 ah kala soo kulmeen Leicester City.

Wararka Labada Kooxood

Tababare Stefano Piolo ayaa helay warka wanaagsan ee ah inay tababarka kusoo laabteen Fikayo Tomori iyo Ismael Bennacer balse waxa wali maqnaan doona Mike Maignan iyo Alessandro Florenzi.

Ciprian Tatarusanu ayaa booska goolka kusoo bilaabanaya iyadoo Kjaer, Kalulu iyo Tomori daafaca dhexe kusoo wada bilaabanayaan.

Bennacer oo la filayo inaan lagula soo degdegin kulankan ayuu doorkiisa khadka dhexe sii buuxinayaa Tommaso Pobega.

Tottenham ayuu kulankii Leicester dhaawac jilibka ah oo ugu yaraan lix bilood garoomada seejinayaa ka gaadhay Bentacur halka Pierre-Emile Hojbjerg uu ganaaxan yahay taas oo ka dhigan in Conte labadii xiddig ee asaasiga ka ahaa khadkiisa dhexe waayayo.

Khadka dhexe ayay kusoo wada bilaabanayaan Oliver Skipp iyo Pape Matar Sarr halka ay saddexda daafac dhexe kasoo wada muuqanayaan Cristian Romero, Eric Dier, iyo Ben Davies.

Pedro Porro oo kulankiisii koowaad guuldarradii Leicester ku furtay ayaa booska daafaca midig u waayi kara Emerson.

AC Milan (3-4-2-1): Tatarusanu; Kalulu, Kjaer, Tomori; Calabria, Pobega, Tonali, Hernandez; Diaz, Leao; Giroud

Tottenham (3-4-2-1): Forster; Romero, Dier, Davies; Emerson, Sarr, Skipp, Perisic; Kulusevski, Son; Kane

Xogta Kulanka

Tartanka: Champions League

Garoonka: San Siro