Fahfaahino dheraad ah oo laga helaayo Dad badan oo ku dhintey kuleyl ka jira Dalka Canada.

0
154

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dad tiro badan ayaa ku dhintey wadanka Canada, ka gadaal markii kuleyl aan la qiyaasi Karin uu ku kordhey heer kulka.

Booliiska Vancouver ayaa sheegay iney jiraan dad si deg deg ah u dhintey, kuwaasoo gaaraya illaa iyo 130 qof tan iyo jimcihii.

Inta badan dadka dhintey waa kuwo waa yeello ah, ama cuduro xun qaba.

Sidoo kale, kuleylka xad dhaafka ah ee jira, ayaa qeyb weyn ka ah dhimashada dadka tirada badan.

Shaley ayuu dalka Canada diiwaan galiyey, taariikhda heer kulkii uggu sareeyey oo gaarayey 49.5c, saddexdii maalmood oo is xig xigtey magaalada Lytton ee gobolka British Columbia.

Toddobaadkii hore iyo intii ka horeysayba, heerkulka dalkan Canada ayaanan ka sara mari jirin 45C.

Hirarka heerkulkan oo cadaadikiisu sareeyo ayaa ka imanaya dhanka waqooyiga galbeed ee Canada iyo Mareykanka.

Khuburada ayaa sheegeysa in isbaddalka cimiliada la rajeynayo inuu sara u qaado dhacdooyinka jawiga, sida hirarka kulul.

Si kastaba ha ahaatee, in la lala xiriiriyo dhacdo waliba oo timaada is baddalka cimilada dunida, waa wax aad u adag.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here