Erling Haaland oo Helay Codadka Tartanka Abaalmarinta FWA

0
101
MANCHESTER, ENGLAND - MARCH 18: Erling Haaland of Manchester City during the Emirates FA Cup Quarter Final match between Manchester City and Burnley at Etihad Stadium on March 18, 2023 in Manchester, England. (Photo by Robbie Jay Barratt - AMA/Getty Images)

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Erling Haaland ayaa ku guuleystay abaalmarinta Kubadda Cagta Sanadka ee Ururka Qorayaasha Kubadda Cagta – laakiin 14 ciyaartoy oo kale ayaa sidoo kale ayaa helay codad.

Xiddiga Man City ayaa xilli ciyaareedkan ku jira qaab ciyaareed heer sare ah isaga oo dhaliyay 51 gool 47 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.

Laakiin dhammaan 800-kii codbixiye ayaan ku qancin qaab ciyaareedka Haaland waxana uu kaliya helay 82% codadkii la bixiyay taas oo ah rikoodh.

Garabka Arsenal Bukayo Saka ayaa ku dhameystay kaalinta labaad ee Haaland, isagoo saaxiibkiis Martin Odegaard galay kaalinta 3-aad kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu soo qaatay.

Xiddiga Manchester City Kevin De Bruyne ayaa ku dhameystay kaalinta afaraad, iyadoo weeraryahanka Manchester United Marcus Rashford uu ku jiro kaalinta shanaad.

Laakiin waxa cod helay 15 xiddig oo ka ciyaara horyaalka premier Legaue kuwaas oo Ka qayb ahaa tartanka xiddiga ugu fiican premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here