Duufaan dad ku dishay dalka Mareykanka

0
74

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ugu yaraan 23 qof, ayaa ku dhintay, kadib markii duufaano ay ku dhufatay gobolka Mississippi ee dalka Maraykanka habeenkii Jimcaha.

Dad badan ayaa loo maleynayaa inay ku hoos jiraan burburka dhismayaal burburay.
Duufaanadan ayaa burbur xooggan ka geystay dhowr magaalo oo miyi ah, halkaasi oo ay waxyeelin ay gaartey dhirtii iyo xargaha korontada, waxaana la soo sheegayaa in tobanaan kun oo korontadu ay go’day.

Dhawr gobol oo kale oo dhaca koonfurta, ayaa sidoo kale waxaa laga yaabaa inay saameyso duufaano xoog badan.

Roobab baaxad leh oo xooggan, ayaa laga soo sheegay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here