Dukaan Dahab oo dharaar cad dhac looggu geystay dalka Faransiiska

0
99

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Booliska dalka Faransiiska ayaa baaraya kiiska dhac loo geystay dukaan dahab ah oo heerkiisu sarreeyo oo ku yaalla magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska.

Kooxda burcada ayaa xili galab ah dhac u geystay dukaan oo dahabka lagu iibiyo.

Muuqaalo la baahiyay ayaa muujinaya xiligii uu falku dhacayay, iyo dadka la tuhunsan yahay oo ka soo baxaya dukaanka oo ku yaalla dhismaha Place Vendôme.

Dukaanka Bulgari, ayaa waxaa horay u beegsaday tuugo hubeysan – iyadoo alaabaha la isku qurxiyo oo qiimahoodu dhan yahay 10 malyan oo euro ay qaateen muddo haatan laga joogo ku dhawaad laba sano ka hor.

Dhacdadaas, ayey booliisku waxey ka toogteen mid kamid ah dembiilayaashii lugta, iyagoo markii danbe la xukumay dambiilihii.