Dufaan Xogaan oo ku dhuftay xeebaha Bangladesh

0
48

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Duufaan xooggan ayaa ku dhufatay xeebaha Bangladesh iyo Myanmar.

Duufaantan o lagu magaacabo Mocha ayaa sababata roobab culus iyo dabaylo kusocda xawaare gaaray ilaa 195kph (120mph), kuwaas oo keeni kara daadad khatar ah oo ku wajahan dhulka ku hareeraysan Bengal.

Duufaannada dabaylaha wata oo gaaraya ilaa afar mitir ayaa ku dhuftay tuulooyinka kuyaalla meelaha hoose.

Waaxda saadaasha ayaa ka digay dufaantan Mocha inay noqon karto duufaantii ugu xooga badneyd ee lagu arko Bangladesh ku dhawaad ​​labaatan sano.

Ilaa 500,000 oo qof ayaa loo daadgureeyay .