Dowaladda Nigeria oo lacago cusub soo saartay.

0
107

Jowhar –  ( Radio Isnaay ) – Waxaa maanta dalka Nigeria laga bilaabayaa lacago cusub oo loogu talagalay in lagula dagaalamo lacagaha been abuurka ah iyo maalgelinta kooxaha Islaamiyiinta ah iyo kuwa dadka afduubka u geysta .

Waxa la rajaynaya soo bandhigida lacagta cusub ee kala ah laba boqol, shanta boqol iyo kun ee naira in ay wax ka tari doonto lacagta xad dhaafka ah ee suuqa ku jirta iyo in uu yaraado sicir bararka.

Mid ka mid ah kooxaha afduubka geysta ayaa durba ka jawaabay soo saarista lacagta cusub waxayna kala badh ka dhimeen dalab madaxfurasho oo ay kadalbadeen dad ay horay uga afduubteen gobolka Zamfara, iyagoo ku adkaystay in lacagta madaxfurashada lagu bixiyo lacagaha cusub.