Donald Trump oo mar kale kusoo noqday fagaarayaasha ay ku kulanto bulshada.

0
75
U.S. President Donald Trump speaks about early results from the 2020 U.S. presidential election in the East Room of the White House in Washington, U.S., November 4, 2020. REUTERS/Carlos Barria

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Milkiilaha cusub ee shirkadda xiriirta baraha bulshada ee Twitter-ka, Elon Musk, ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, dib looggu soo celiyay akoonkiisa, kadib markii uu sameeyay rayi ururin ay ka qeyb qaateen isticmaalayaasha barta,kuwaasoo taageeray tallaabada uu qaaday

“Dadku way soo gudbiyeen rayigooda,” ayuu Musk kusoo qoray bartiisa Twitter-ka, isagoo sheegay in 51.8%, oo u dhiganta in ka badan 15 milyan oo isticmaaleyaasha Twitter ah ay u codeeyeen in xayiraadda lagga qaado Trump.

Laakiin madaxweynihii hore ee Mareykanka, ayaa laga yaabaa inuusan ku soo laaban madasha, isagoo mar hore yiri: “Ma jirto wax sabab ah, oo aan dib ugu soo noqdo”.

Akoonkiisa ayaa la hakiyay sanadkii 2021-kii, sababo la xiriira khatarta hurin rabshado iyo naceyb.