DEG-DEG: Manchester United Oo Argagax Ka Qaadday Warbixinta Dhaawaca Lisandro Martinez

0
93

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Manchester United ayay jug weyni soo gaadhay, waxaana ruxay dhaawaca halista ah ee soo gaadhay difaaca reer Argentina ee Lisandro Martinez oo la sheegay inuu ka maqnaan doono garoomada inta ka hadhay xilli-ciyaareedkan socda.

Lisandro Martinez ayaa garoonka laga dhax-qaaday ciyaartii ay xalay barbarraha 2-2 la galeen Sevilla ee lugta hore ee wareegga siddeedda Europa League ee ka dhacday garoonka Old Trafford.

Manchester United ayaan wali si rasmi ah ugu dhawaaqin muddada uu maqnaanayo Lisandro Martínez, hase yeeshee wariyaha wargeyska Athletic ee David Ornstein ayaa xaqiijiyey in ay laacibkan uga dhamaatay xilli ciyaareedkan oo uu maqnaan doono inta ka hadhay xilli ciyaareedkan 2022-23.

David Ornstein oo helay xogta dhakhaatiirta ee dhaawaca Lisandro Martinez ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitter-ka ku yidhi: “Lisandro Martinez waxa uu ka maqnaan doonaa inta ka hadhay xilli ciyaareedkan kaddib dhaawac kasoo gaadhay lugta kulankii barbarraha ee Man United vs Sevilla.”

Tababare Erik ten Hag ayaa xalay sii sheegay, in dhaawaca Lisandro Martinez uu u muuqdo mid halis ah, iyadoo markii garoonka laga dhax-qaadayna la arkayay isaga oo ooyaya oo ilmada ceshan la’.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here