DEG-DEG: Karim Benzema Oo Ku Biiray Kooxda Al Ittihad

0
34

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga Karim Benzema ayaa si Rasmi ah ugu biiray kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ee Al Ittihad sida ay xaqiijisay kooxdu.

Xiddiga Karim Benzema ayaa kooxda Al Ittihad u saxiixay heshiis 2 sano ah oo uu ugu ciyaari doono kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga.

Karim Benzema ayaa qalina ku duugay heshiis uu kooxda Al Ittihad uga qaadan doono 200 milyan oo euro sanadkii marka lagu daro lacagaha xayaysiiska.

Xiddiga reer France ayaa noqday xiddigii ugu dambeeyay ee ku soo biira horyaalka sucuudiga ee Saudi Pro League.

Karim Benzema ayaa kooxda Al Ittihad ku biiray saacado kadib markii uu macasalaameeyay kooxda Real Madrid