DEG-DEG: Eden Hazard Oo Ka Tagay Real Madrid.

0
89

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay Bixitaanka xiddiga Eden Hazard kadib 4 Sano oo uu ku dhibaatoday kooxda Los Blancos.

Heshiiska Eden Hazard ee Real Madrid ayaa la Kansalay sida ay xaqiijisay kooxda Real Madrid.

Hazard ayaa Ka tagaya Real Madrid kadib sanado uu si weyn ugu dhibaatooday dhaawacyo sidaas darteed uuna kulamo badan u ciyaarin kooxda.

“Real Madrid C. F. iyo Eden Hazard waxay gaareen heshiis uu ciyaaryahanka kooxda ka tagayo 30 bishan June kadib markii la kansalay heshiiska”ayay kooxdu shaacisay.

Hazard ayaa Real Madrid ku sugnaa muddo 4 sano ah waxana uu kaliya u ciyaaray kooxda 54 kulan tartamada oo dhan tan ilaa markii uu ku soo biiray sanadkii 2019.