Cristiano Ronaldo oo 4 Gool Dunida Ku Soo Jiitay.

0
89

Jowhar- (Isnaay Radio)- Xiddiga kooxda Al-Nassr ee Cristiano Ronaldo ayaa adduunka ka yaabsaday kadib markii uu dhaliyay 4 gool kulan kaliya, isagoo haatan kor u dhaafay 500 gool uu ka dhaliyay horyaaladii uu ka ciyaaray.

Ronaldo ayaa haatan maraya 61 seddexleey oo uu dhaliyay waayihiisa ciyaareed, 31 ka mid ah wuxuu dhaliyay ka dib markii uu 30 jir noqday taasoo ah wax cajiib ah.

Ronaldo ayaa 4 gool u dhaliyay kooxdiisa Al-Nassr kulan ka tirsanaa horyaalka Sucuudiga oo ay ka badieen kooxda Al-Wehda.

Cristiano ayaa dhaliyay goolka 1-aad daqiiqadii 21-aadwaxana uu midka xiga dhaliyay daqiiqadii 40-aad ee qaybta hore ee ciyaarta.

CR7 ayaa labada gool ee kale dhaliyay qaybta dambe ee ciyaarta waxana uu kooxdiisa ku hogaamiyay guul weyn.

Ronaldo ayaa dhaliyay 5 gool 2-dii kulan ee ugu dambeeyay ee uu ka ciyaaray horyaalka Sucuudiga una ciyaaray kooxdiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here