CHAMPIONS!! Real Madrid Oo Ku Guuleysatay Copa Del Rey

0
85

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ku guuleysatay tartanka Copa del Rey oo ay finalkiisa iskugu soo baxeen Osasuna oo ay kaga takhalustay 2-1, iyadoo laba jeer uu shabqa soo taabtay xiddiga reer Brazil ee Rodrygo Goes.

Real Madrid ayaa gacanta ku dhigtay koobkeedii u horreeyey ee xilli-ciyaareedkan, iyaga oo horyaalka mar horeba ka quustay oo kaalinta saddexaad uga dhaadhacay.

Carlo Ancelotti ayaa laba sannadood gudahood ku guuleystay koob kasta oo suurtogal ah, waxaana uu xilli ciyaareedkii hore urursaday dhamaan koobabka kale marka laga reebo Copa Del Rey oo isagana hadda uu kula guuleystay Real Madrid.

Daqiiqaddii labaad ee bilowga ciyaarta ayaa uu Rodrygo Goes xerada ganaaxa ka helay kubbad uu dhinaca bidix ka keenay Vinicius Junior, waxaana uu ku qabtay lugta bidix sidaasna waxay Los Blancos ugu dabbaal-degay gool waqti hore ahaa.

Osasuna ayaa adag u dagaallantay dhamaadka qaybta hore iyo bilowga qaybta labaad, iyadoo difaaca Real Madrid uu nafta u keenay Abdessamad Ezzalzouli oo amaah kaga maqan Barcelona oo ay xakamayn kari waayeen orodkiisa iyo xirfaddiisa.

Daqiiqaddii 58aad ayaa kubbad uu Abdessamad Ezzalzouli kusoo dilay Dani Carvajal waxa uu soo dhigay xerada ganaaxa balse difaaca Real Madrid ayaa iska saaray oo meel bannaanka ka ah diillinta waxay ugu tagtay Lucas Torro oo darbad xooggan ku toogtay goolka, waxaanay gashay shabaqa oo dhinaca midig ee goolhaye Thibaut Courtois ah, iyadoo uu goolhayaha reer Belgium gaadhi waayey.

Rodrygo Goes ayaa mar kale noqday geesiga Real Madrid, waxaana kubbad uu Vinicius Jr kala soo galay garabka bidix uu soo dhigay xerada ganaaxa, waxaase iska difaacday Osasuna ka hor intii aanu Toni Kroos ku celinin darbad xooggan oo mar kale kusoo dhacday difaaca, balse waxa helay Rodrygo oo goolka ku toogtay.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Real Madrid oo uu koobka guddoonsiiyey boqorka Spain oo koobkan lagu maamuuso.

Real Madrid ayay u tahay markii 20aad ee ay ku guuleysato koobkan, waana kooxda saddexaad ee ugu guulaha badan iyaga oo ku xiga Athletic Bilbao oo 23 jeer ku guuleysatay iyo Barcelona oo 31 jeer ku guuleysatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here