Carlo Ancelotti OO Jabin Doona Rikoodh Uu Alex Ferguson Dhigay.

0
36

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa jabin doona rikoorka Champions League ee uu Sir Alex Ferguson dhigay marka ay kooxdiisu caawa la ciyaari doonto Man City kulanka lugta 2-aad ee Semi-final-ka champions League.

Labada tababare ee Ancelotti iyo Ferguson ayaa ah labada tababare ee ugu magaca weyn kubbada cagta adduunka, waxaana ay ku riyaaqeen rigooreyaal guulo heerkii ugu sarreeyay, iyagoo ku guuleystay dhowr jeer tartanka kooxaha Yurub.

Runtii, Ancelotti waxa uu ku guuleystay kooba champions League 4 jeer isaga oo kula kala guulaystay Ac Milan (2) iyo Real Madrid (2) isagoo finalkii xilli ciyaareedkii hore kaga qaaday Liverpool 1-0.

Ferguson, waxa uu Manchester United kula guuleystay laba koob oo Yurub ah sannadihii 1999 iyo 2008 ka dib markii uu Aberdeen ku hoggaamiyey koobkii ku guuleystay Koobka Yurub 1983kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here