Booliiska Hindiya oo baadi goob ugu jira haweeney arooskeeda ka riday xabado

0
33

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Booliiska gobolka Uttar Pradesh ee waqooyiga dalka Hindiya, ayaa baadi goob ugu jira haweeney qori rasaas ay ku jiraan ka ridaysa arooskeeda.

Muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada, ayaa muujinayay haweeneyda oo afar xabo hawada u ridaysa, iyadoo dhinac fadhida ninkeeda.

Booliiska deegaanka, ayaa sheegay inay diiwaan galiyeen kiis ka dhan ah haweeneydaasi, oo la la’yahay tan iyo markii uu falkaasi dhacay.

Rasaasta damaashaadka ah ee xiliga aroosyada, ayaa ku badan qaar kamid ah gobolada waqooyi ee Hindiya, waxaana inta badan ay taasi sababtaaa dhaawacyo iyo xitaa dhimasho aan ku tala gal ahayn.

Marka loo eego sharciga Hindiya, qof kasta oo u adeegsada hubka “si degdeg ah oo habacsanaan leh, iyadoo la joogga dabaal deg aroos”, oo khatar gelinaysa dadka kale, waxay wajihi kartaa xabsi ama ganaax ama labadaba.

Sannadkii 2016-kii, maxkamad ku taalla xarunta Uttar Pradesh, ee Lucknow, ayaa amartay in dabbaaldeg kasta oo laga rido xabad la baaro, iyada oo aan loo eegin in dacwad booliis la gudbiyay iyo in kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here