Barcelona oo Guul-darradii Labaad Ee Xiriir Ah La Kulantay.

0
98

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la kulantay guul-darradii labaad ee tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan, waxaana San Siro Stadium kusoo garaacday Inter Milan kulan hal gool uu kla asaaray labada kooxood balse ay qosolka iyo dabbaal-degga qaadatay kooxda Talyaanigu.

Gool madi ah oo uu dhamaadka qaybta hore Inter Milan u dhaliyey xiddiga reer Turkey ee Hakan Calhanoglu ayaa ugu filnaaday kooxda Talyaanigu in ay saddexda dhibcood qaadato isla markaana kaalinta labaad kaga jirta group-ka dhimashada ee C oo ay hoggaankeeda hayso Bayern Munich oo fiidkii hore 5-0 ku xasuuqday Viktoria Plzen.

Barcelona oo inta badan maamulaysay ciyaarta ayaan ka faa’iidaysanin fursado tiro badan oo ay heleen iyo gool ay qaybtii dambe la yimaaddeen oo ay VAR ka diiday, kaddib markii Pedri oo saxeexay goolkaas lagu helay in uu offside ku jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here