Barcelona Oo DHAMMAYSAY Saxeexa Xiddig Weyn Oo Liverpool Ah

0
51

Jowhar – ( Radio isnaay ) -Qaar kamida warbaahinta England ayaa sheegaya war lama filaan ah oo ah in Barcelona qaab bilaash ah ku dhammaysay saxeexa weeraryahanka Liverpool ee Roberto Firmino.

Firmino ayaa soo afmeeraya siddeed sano oo cajiib ah oo uu Anfield kusoo qaatay isagoo kooxda xor kaga tagaya marka heshiiskiisu dhaco xagaaga.

Bobby ayaa Reds kula soo guuleystay Koobabka kala ah Premier League, Champions League, FA Cup, Carabao Cup iyo Club World Cup tan iyo markii uu 29-ka Milyan ee pound ugaga yimid dhinaca Hoffenheim sanadkii 2015.

Wargeyska Mail Sport ayaa shaaciyay xog lama filaan ah oo sheegaysa in Firmino heshiiska shaqsiga ah la gaadhay oo Barcelona xor ugu biiri doono xagaaga.

Barca ayaa suuqa ugu jirta saxeexa weeraryahan dhexe oo kaabis u noqda Robert Lewandowski, Firmino ayaa doorkaas ciyaari kara sidoo kalena buuxinaya shuruudaha ay kooxdu badi saxeexyadeeda ku doonayso ee ah inuu xor yahay.

Klopp ayaa caddeeyay go’aankiisa ah inuu jeclaan lahaa inuu 31 sano jirkaas kusii haysto kooxda laakiin uu gaadhay go’aanka ah inuu meel cusub ka tartamo.

Roberto ayuu gaadhay dhaawac muruqa ahi waxaana la filayaa inuu saddexda kulan ee soo socda ugu yaraan maqnaado laakiin Klopp ayaa ku rajo weyn inuu soo laaban doono kahor dhammaadka xilli ciyaareedka.

Firmino oo ah mid ay jecel yihiin taageerayaasha Liverpool ayaa kooxda 109 gool usoo dhaliyay 360 kulan, waxa la filayaa in sagootin weyn loo sameeyo kulanka ugu dambeeya xilli ciyaareedka ee ay Anfield kula ballansan yihiin Aston Villa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here