Arteta Oo Qiimeeyay Fursadaha Kooxdiisa Ee Ku Guulaysiga Premier League Xilli Ciyaareedkan.

0
95

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in ciyaartoydiisa ay wali rumeysan yihiin ku guulaysiga horyaalka premier League kadib markii ay 3/1 kaga badiyeen Chelsea.

Gunners ayaa Emirates ku soo dhawaysay kooxda ay xafiiltamaan ee London ka dib markii ay Manchester City garaacday kuna jireen 4 kulan oo guul la’aan ah.

Guuldaradii 4-1 ee Arsenal ka soo gaartay kooxda heysata horyaalka usbuucii hore waxay la micno tahay in masiirkooda horyaalka uusan ku jirin gacmahooda, laakiin waxay uga jawaabeen qaab ku dhow inay dhibaato kale u geystaan ​​kooxda Frank Lampard.