Arsenal Oo Si Cajiibleh Isugu  Diyaarisay Kulanka Chelsea Ee Finelka FA Cup ka.

0
192

Jowhar (Radio Isnaay)- Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ku dhow dhamaystirka saxeexii ugu horreeyey xagaagan, waxaana la filayaa in si rasmi ah warbaahinta loogu soo bandhigi doono kaddib dhamaadka finalka FA Cup ee ay Arsenal iyo Chelsea ku ballansan yihiin Axadda.

Arsenal waxay kalsooni buuxda ku qabtaa in maalmaha Jimcaha iyo Sabtida ay dhamaan doonaan wada hadallada ay kula jiraan 20 jirka reer Norway ee George Lewis, kaas oo wada xaajoodkiisu uu soo bilaabmaybishii May ee sannadkan.

Lewis oo ku dhashay waddanka Rwanda ayaa laba usbuuc tababarka la qaatay Arsenal bishii March ee sannadkan, waxaanay Gunners kusoo qaadanaysaa heshiis xor ah kaddib markii uu dhamaaday heshiiskii uu kooxaha heerarka hoose ee Norway ugu ciyaarayay sannadihii ugu dambeeyey.

Laacibkan yar ayaa kasoo baxay kulliyadda da’yarta kooxda Tromso IL, ka hor intii aanu ku biirin kooxda heerka saddexaad ee Tromsdalen sannadkii 2017kii, taas oo uu heshiiskii ugu horreeyey ee xirfadeed u saxeexay.

Kooxda kale ee Fram Larvik oo heerka saddexaad ee Norway ka ciyaarta ayaa uu iyagana waqti u ciyaaray sannadkii 2019, waxaanu kaddib usoo dhaqaaqay Ingiriiska oo lagu casuumay kooxaha Ipswich iyo Bournemouth oo uu toddobaadyo tijaabo kula qaatay tababarka ka  hor intii aanu u imanin Arsenal oo uu laba usbuuc la joogay.

20 jirkan oo ka ciyaara afka hore ee weerarka ayay Arsenal filaysaa inay heshiiskiisa dhamaystiri doonto marka ay dhamaato ciyaarta finalka FA Cup ee ay kula ballansan yihiin Chelsea fiidnimada Axaddu soo gelayso.