Arsenal Oo Kulankii 3aad Oo Isku Xigta Lagu Dilay Garoonkooda,

0
141

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Arsenal ayaa kulankii seddexaad oo isku xiga looga badiyay garoonkeeda horyaalka Premier League iyadoo guuldarro 2-1 ay ka soo gaartay caawa kooxda Wolves taasoo cadaadiska ku sii kordhineysa tababare Mikel Arteta.

Gunners ayaa mar kale ku guuldareysatay inay soo bandhigto qaab ciyaareed joogta ah iyadoo Wolves ay hogaanka kaga hormartay ka hor inta uusan Gabriel u barbareynin Arsenal laakiin Podence ayaa goolka guusha u dhaliyay Wolves.

Natiijadaana ayaa la micno ah in Gunners ay ka dhacday kaalinta 14aad iyagoo leh kaliya 13 dhibcood 10 kulan oo ay ciyaareen halka Wolves ay ku jirto kaalinta lixaad iyagoo leh 17 dhibcood.

Shan daqiiqo markii ay socotay ciyaarta ayay hakad gashay ka dib markii David Luiz oo kubad madax aheyd u kacay ay madaxa isku dhufsadeen xiddiga Wolves Jimenez kaasoo miirdaboolmay.

Toban daqiiqo ayay ciyaarta hakad gashay iyadoo dhakhaatiirta ay la tacaalayeen xaalada Jimenez kaasoo garoonka looga saaray bareelo islamarkaana si toos ah cusbitaalka loogu qaaday halka David Luiz uu daqar ka soo gaaray madaxa balse ciyaarta uu sii watay.

Wolves ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 27aad markii kubad uu birta ku garaacay Dendoncker uu shabaqa ku celiyay Neto isagoo aan wax fursad ah siinin goolhaye Leno.

Leno laakiin Podence ayaa kubada helay oo shabaqa cusjiyay, waxaana lagu kala nastay 2-1 oo ay Wolves hogaanka ku heysay.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-1 oo ay Wolves ku dubatay kooxda Arsenal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here