Arday u dhashay Nigeria oo xabsiga loo dhigay in uu aflagaadeeyey Marwada Madaxweynaha.

0
90

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dalka Nigeria waxaa ka jira caro sii kordheysa oo ka dhalatay xarigga arday dhigta jaamacadda oo ay xireen ciidanka ammaanka ka dib markii lagu eedeeyey in uu aflagaadeeyey xaaska Madaxweynaha Muhamadu Buhari mar uu twitterka waxku qoray.

Aminu Adamu Mohammed ayaa haatan xabsiga sida uu qareeenkiisa Chijioke Kingsley Agu u sheegay BBCda .

Qareenka ayaa sheegay in macmiilkiisa laga soo dacweeyey maxkamadda sare ee degmada Maitama ee caasimadda Abuja maalinimadii Talaadada.

Ardayga ayaa beeniyey hal dambi oo ah aflagaado.

Qareenkiisa ayaa sheegay in ay codsadeen damiin uuna rajeynayo in loo tixgelin doono arrintaa 48 saac ee soo socda .

Ardaygan oo 23 jir ah ayaa lagu warramay in la xiray horraantii Bishan ka dib markii lagu eedeeyey in uu baraha bulshada soo dhigay sawirka marwada koowaad ee Nigeria Aisha Buhari oo ay soo raacdo faallo lagu qoray afka Hausa oo uu ku sheegayo in ay ku cayishay markii ay si xun u adeegsatay hantida dadweynaha .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here