ALGERIA vs SOMALIA AFCON U17

0
106
Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Labadaan wadan waligood isagama hor imaan fagaaraha kubadda cagta, waa markii ugu horreysay oo ay tartan heer caalami ah isku wajahaan sidoo kale
Algeria waa markii labaad oo ay tartankaan kasoo qeybgalaan, markii ugu horreysay waxey aheyd 2009 – doorkaas a martigalin ayey ku yimaadeen.
Taariikhda ma dhicin iney isreeb-reeb ugu soo baxaan tartankaan 17-jirada, marka laga tago iney joogaan ciidooda.
2009 – oo aheyd markoodii ugu horreysay waxey ku furteen guulo ay ka gaareen Cameroon & Mali ka hor inta aysan guuldaro kala kulmin Gambia.
Semi final-ka waxey dileen Burkino Faso, balse iyagoo ciidooda jooga waxaa koobka ka xoogay Ganmbia
Soomaaliya waa markii labaad oo ay tartankaan usoo baxdo, balse waa markii koowaad oo ay ka qeybgalaan.
2018 markii ay wiilasheena gaareen final tartankii CECAFA ee ka dhacay Burundi waxey xaqiijiyeen usoo bixitaanka AFCON U17 (2019), balse hay’adda ayaa ka cudur daaratay in laga qeybgalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here