Man United Oo Garaacday Brighton.

0
9

Jowhar – (Radio Isnaay ) – Kooxda Manchester United ayaa guul adag ka gaartay Brighton iyagoo ku badiyay 4-2, taasoo qayb ka ah tartanka horyaalka Premier League-ga Ingiriiska.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Old Trafford ayaa goolasha lagu daahfuray daqiiqaddii 24aad, markaas oo Matheus Cunha uu u dhaliyay United kadib laad dhulka si xoogan loo tuuray oo ka yimid meel ka baxsan xerada ganaaxa.

Daqiiqaddii 34aad, Casemiro ayaa shabaqa helay isagoo dhaliyay goolkii labaad, kaddib kubbad si lama filaan ah u beddeshay jihada ka hor inta aysan shabaqa galin.

Bryan Mbeumo ayaa dhaliyay goolkii saddexaad ee United daqiiqaddii 61aad, isagoo si qurux badan u dhammeystiray kubbad uu ka helay daafaca garabka xerada ganaaxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here