Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Guddoomiyaha xaafadda Hantiwadaag ee magaalada Jowhar, Mudane Cusmaan Xussen Cumar ayaa soo saaray amar adag oo ku wajahan nadaafadda guud ee deegaanka gaar ahaan arrinta la xiriirta qashin-qubka aan habboonayn. Baaqan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya in shacabka laga reebo shubidda qashinka meelaha danta guud sida waddooyinka agagaarka suuqyada iyo goobaha bulshada ay si wadajir ah u isticmaasho.
Waxaa SooJeedineysa:- Xaliima Cali Ibrahim