Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Weeraryahankii hore ee Manchester United, Wayne Rooney, ayaa si adag u dhaliilay Mohamed Salah kadib bandhiggiisii liitay ee kulankii Liverpool Guuldarada kala kulantay Chelsea.
Natiijadaas ayaa sababtay in Arsenal ay ka kor marto horyaalka Premier League, iyadoo Gunners si buuxda u qabatay hogaanka premier league.
Rooney ayaa hadda si gaar ah u dhaliilay Salah, isagoo su’aal geliyay kaalintiisa difaac ee kooxda Arne Slot.