Xamaas oo diyaar u ah inay iska wareejiso Qasa

0
52

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasiirrada arrimaha dibadda ee siddeed waddan oo Muslim ah (Boqortooyada Urdun, Isutagga Imaaraadka Carabta, Indonesia, Jamhuuriyadda Turkiga, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dawladda Qatar iyo Masar iyo Pakistan, ayaa bayaan wadajir ah oo ay maanta si wadajir ah u soo saareen waxay ku soo dhaweeyeen tallaabooyin wax ku oolka ah oo ay qaadeen Xamaas oo jawaab u ah soo jeedinta Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee lagu joojinayo dagaalka Qasa.

Soo jeedintu waxay ku baaqaysaa in la sii daayo dhammaan la haystayaasha, isla markaana la bilaabo wada xaajood degdeg ah oo ku saabsan qaabka loo hirgelin karo qorshaha.

Wasiirrada arrimaha dibadda ayaa sidoo kale soo dhaweeyay baaqii Madaxweyne Trump ee ahaa in Israa’iil ay si deg deg ah u joojiso duqeynta oo ay billowdo dhaqan-gelinta heshiiska is dhaafsiga maxaabiista

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here