Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xamaas ayaa dib u eegis ku samaynaysa qorshaha nabadda ee Gaza oo uu Donald Trump kaga dhawaaqay Aqalka Cad Isniintii
Qorshahan oo ka kooban 20 qodob ayaa waxaa ka mid ah in la joojiyo dagaalka; soo celinta la haystayaashii Israa’iil; iyo Guddi nabadeed”Board of Peace” oo caalami ah si ay gacan uga geystaan socodsiinta Gaza, oo uu ku jiro ra’iisul wasaarihii hore Tony Blair – halkan waa dulmar.
Qorshuhu wuxuu sidoo kale kor u qaadayaa suurtagalnimada “dariiq lagu kalsoonaan karo oo loo maro aayo ka tashiga Falastiin iyo dawladnimada”, haddii shuruudaha la buuxiyo.
Balse ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku adkeysanaya in qorshahan uusan ahayn in dowladnima la siiyo Falastiin, isla markaana Israa’iil ay “si xoog ah uga hortagto” fikradd.