Trump oo ku booriyay Turkiga inay joojiyaan iibshashada saliida Ruushka.

0
11

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku booriyay Turkiga inay joojiyaan saliidda ay ka iibsanayaan Ruushka, taasoo qeyb ka ah dadaal ballaaran oo lagu joojinayo dhaqaalaha tamarta ee Moscow, iyadoo dagaalka Ukraine uu sii socdo.

Isaga oo ka garab hadlaya madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ka dhacay Aqalka Cad, Trump ayaa sheegay in joojinta badeecadaha la soo dhoofiyo ay noqon doonto “waxa ugu wanaagsan” dhiggiisa Turkiga.

Kulanka ka dhacay xafiiska Oval Office ayaa ku dhamaaday iyada oo aan wax ballan-qaad ah laga helin in cunaqabateynta Mareykanka ee laga qaado Turkiga ama in laga iibiyo diyaaradaha casriga ah ee F-35, inkastoo Trump uu rajo ka muujiyay labada arrimood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here