Walcott Oo Saadaaliyay Halka Ay Arsenal Kaga Dhamaysan Karto Premier League.

0
29

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Theo Walcott ayaa dib u eegay saadaashiisii afarta sare ee Premier League-ka kaddib markii ay Arsenal barbaro 1-1 la gashay Manchester City, isaga oo haatan taageersan in kooxdiisii hore ay ku dhammaan doonto kaalinta labaad ee miiska.

Arsenal waxay u muuqatay in ay la kulmi doonto guuldarrogeedii labaad ee xilli ciyaareedkan kaddib markii Erling Haaland uu gool dhaliyay daqiiqaddii 9-aad ciyaarta ka dhacaysay Emirates, balse Gabriel Martinelli ayaa qorshahaas beddelay markii uu badel ku soo galay isaga oo beddelay Jurrien Timber daqiiqadihii dambe ee ciyaarta.

Martinelli ayaa kubbad dheer oo uu soo dhiibay laacibka cusub Eberechi Eze si qurux badan u dhaliyay goolka bar-baraha ee kooxdiisa.

Goolkaas dambe ayaa Mikel Arteta ka dhigay tababaraha ugu horreeya ee abid shan kulan oo isku xigta guuldarro la’aan uga baxa kulamada uu la ciyaaro Pep Guardiola, ninkii uu hore uga ahaa kaaliyaha Manchester City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here