Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qoyska lammaane u dhashay Britain kuwaas oo u xirnaa Taliban ku dhawaad sideed bilood ayaa sheegay in ay aad ugu farxeen sii deynta lammaanaha.
Peter Reynolds oo 80 jir ah iyo xaaskiisa oo 76 jir ah kuwaas oo ku noolaa Afghanistan ku dhawaad 20 sano ayaa jidka laga qabtay 1-dii Feberaayo iyagoo ku socday gurigooda.
Lammaanaha ayaa la sii daayay saakay oo jimca aheyd kaddib markii dowladda Qatar ay dhexdhexaadisay. Hubin caafimaad ayaa la marsiiyay ka hor inta aysan soo aadin UK. Lammaanaha ayaa muddo dheer ku noolaa gobolka Baymiyan ee Afghanistan.