Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Arsenal ayaa Garaacday kooxda Athletic Bilbao kulan ka tirsan tartanka Champions league.
Kooxda reer London ayaa marti ugu ahayd kooxda Basque, fiidkii caawa oo Talaado ah, kulan ka tirsanaa wareegga koowaad ee kooxaha ee tartanka Champions League.
Xiddiga caalamiga ah ee Brazil, Gabriel Martinelli, ayaa dhaliyay goolka koowaad ee Gunners, daqiiqaddii 72-aad.
Xiddiga reer Belgium, ee Leandro Trossard, ayaa dhaliyay goolka labaad ee martida, daqiiqaddii 87-aad.
Kooxda Arsenal ayaa guul ku bilaabatay xilli ciyaareedka tartanka Champions league