Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle, Mudane Dr. Mohamed Sheikh Maxamuud, ayaa maanta ka qeyb galay bandhig ballaaran oo ay soo qaban-qaabiyeen sagaal iskaashato ee ka dhisan magaalada Jowhar. Wasiirka waxaa wehlinayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Maxamed Bashiir Qaasim Daqare, madax kale oo Hirshabelle ka tirsan iyo masuuliyiin ka socday hay’adaha iyo shirkadaha ka dhisan Hirshabelle.
waxaa soo jeedinaya : – Nuur Maxamed.