Ra’iisul wasaaraha Spain oo ku baaqay in Israa’iil laga mamnuuco ciyaaraha caalamiga ah.

0
38

Ra’iisul wasaaraha Spain ayaa ku baaqay in Israa’iil laga mamnuuco tartamada ciyaaraha caalamiga ah ilaa inta ay ka joojineyso waxa uu ugu yeeray falalka lidka ku ah Amniga dunida.

Pedro Sanchez ayaa ololaha Israa’iil ee Qaza ku barbar dhigay dagaalka uu Ruushku ku hayo Ukraine, wuxuuna sheegay in aanay anshax ahayn in labada dal midkood uu si caalami ah u tartamo.

Ireland, Slovenia, Iceland, iyo Netherlands ayaa sidoo kale tilmaamay inaysan ka qayb qaadan doonin haddii Israel loo ogolaado inay ka qaybgasho Cayaaraha Caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here