Trump oo magaca ka bedelaya wasaaradda Difaaca

0
41

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo saxiixay amar fulineed oo lagu beddelay magaca Waaxda Difaaca Mareykanka.

Waaxdan ayaa loo badalay Waaxda Dagaalka Mareykanka.

Isbeddelkan rasmiga ah wuxuu u baahan doonaa oggolaanshaha aqalka Congress-ka ee Mareykanka, laakiin amar fulineed ayaa u oggolaanaya in Waaxdan Dagaalka loo isticmaalo cinwaan labaad inta laga sugayo oggolaanshaha Congress-ka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here