Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Erling Haaland ayaa mar walba noqday mushkilad joogto ah oo Arsenal ka haysata – balse waxa uu hore ugu biiri karay kooxdaas bilowgii xirfaddiisa.
Taasi waa sida uu sheegay madaxa hore ee baadhista ciyaartoyda Arsenal, Brian McDermott, kaas oo shaaca ka qaaday inuu la hadlay aabbaha weeraryahanka si uu markaas – isagoo 17 jir ah – ugu keeno waqooyiga London.
McDermott, oo ka soo baxay akadeemiga Arsenal, waxa uu u saftay kooxda 72 kulan intii u dhaxaysay 1979–1984, isagoo dhaliyay 13 gool.
Markii uu ciyaaraha ka fariistay, wuxuu tababare u noqday kooxo ay ka mid yihiin Reading iyo Leeds – kooxihii uu aabbaha Haaland, Alf-Inge (Alfie), hore uga ciyaaray.
Sanadkii 2015 ayuu ku soo noqday Arsenal isagoo noqday madaxa scouts-ka, wuxuuna xilkan hayay ilaa 2020, inkasta oo uu mar kale tababare u noqday Reading muddadaas.
Isku daygii lagu doonayay Haaland
Markii uu ku soo laabtay Emirates, McDermott wuxuu si degdeg ah u arkay Haaland inuu yahay fursad ay Arsenal ka faa’iidi karto. Hase yeeshee, qorshaha weeraryahanka yaraa kama mid ahayn ku biirista Arsenal waqtigaas.
Inkasta oo Arsenal aysan si rasmi ah wadahadal ula gelin, McDermott ayaa si shaqsi ah ula xiriiray aabbaha Haaland. Waxaa lagu wargeliyay in qoysku doonayeen in wiilku helo fursad ciyaar joogto ah oo kooxda koowaad ah.
“Waxaan la hadlay aabbaha Erling Haaland xilligii uu 17-jirka ahaa si uu ugu biiro Arsenal – wuxuu mar walba u qaddarnaa inuu noqdo xiddig weyn”
McDermott ayaa dib u xusuustay sida uu ula xiriiiray Haaland, isagoo yiri:
“Waxaan u shaqaynayay Arsenal sanado badan”
Waxaan arkay Haaland isagoo 17 jir ah, xilli uu u ciyaarayay xulka qarankiisa.
Waxyaabaha ku saabsan ciyaaryahan sida Haaland waqtigaas waxay ahayd in hibo cad ay ka muuqato”.
” Laakiin in markaas Arsenal la keeno, isaga oo da’daas ah, ma heli lahaa boos joogto ah oo kooxda koowaad ah?”
“Waxaan sidoo kale la hadlay aabbihiis, Alfie, maadaama aan markaas tababare ka soo noqday Leeds, sidaas darteed aniga iyo Alfie waxaan lahayn wax yar oo aan ka wadaagno”