UK oo xirtay safaaraddeeda ku taala Qaahira

0
42

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay in si ku meel gaar ah loo xiray safaaradooda Qaahira ka dib markii masuuliyiinta Masar ay ka qaadeen xeeyndaabkii dhanka ammaanka ee dhismahaasi.

Xafiiska arrimaha dibadda ee Britain ayaa sheegay in dhismaha ugu weyn ee safaaraddu ay ku leedahay degmada Garden City ee caasimadda uu sii xirnaan doono “ilaa laga dhammeeyo qiimeynta saameynta isbeddelladan”, isagoo dhanka kale cadeyay in safaaraddu ay sii wadi doonto howlaheeda shaqo.

Go’aankan ayaa lagu soo waramayaa inuu yimid kadib markii si is daba jooga ah ay Masar u dalbatay in jawaab laga bixiyo sidii UK ay u maareysay mudaaharaad hore oo ka dhacay magaalada London.

Daily News Egypt ayaa ku warantay in todobaadkii hore la xiray nin taageersan dowladda ka dibna la sii daayay ka dib markii ay u muuqatay in uu ka hortagay oo ay isku dhaceen dad mudaaharaadayay afaafka hore ee safaaradda Masar ee Boqortooyada Ingiriiska.

Wararka ayaa tilmaamaya in wasiirka arrimaha dibadda Masar Badr Abdel Aty uu todobaadkii hore taleefoon kula xiriiray la taliyaha amniga qaranka ee Britain Jonathan Powell, isagoo ka codsaday in la caddeeyo xariga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here