Wasiirka arrimaha dibadda Masar Badar Axmed Cabdil-caadi ayaa hadalkan si gaar gaar ah khadka teleefonka ugu sheegay wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Sudan, Sudanta-koonfureed, Uganda, Kenya, Djibouti iyo Somalia.
Hadalka wasiirka arrimaha dibadd Masar ayaa soo baxay kaddib markii dhawaan ay Itoobiya ku dhawaaqday wajiga shanaad ee biyo-xireenka dhismihiisu uu qaatay 14-ka sano kaas oo ay ku baxday shan bilyan oo doolar, waxaana la dhameyn doono lana furi doono bisha Sabtember ee sanadka dambe.
Masar waxay Itoobiya ugu digeysay in aysan sii wadin in ay biyo-xireenka ka buuxiso biyo, wayna ku celcelisay iyadoo sheegtay in uu jiro sharci saddex geesood ah oo ay wada galeen dalalka uu maro wabiga.
Masar waxay ku celisay mowqifka ay ka taagan tahay biyo-xireenka.
Warbaahinta Masar waxay sheegeen in wasiirka uu diiday tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo la xiriirta biyaha wabiga taas oo jabineysa qeynuunka caalamiga.