Jowhar-(Isnaay Radio)- Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Hirshabeelle ayaa si rasmi ah u soo xirtay kulan muhiim ah oo diiradda lagu saarayay ka talagelinta muwaadiniinta ee diyaarinta Miisaaniyadda sanadka 2026.
Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd in bulshada rayidka ah laga dhageysto aragtidooda, talooyinkooda, iyo baahiyahooda si ay miisaaniyadda sanadka 2026 u noqoto mid ku saleysan codka shacabka una adeegta himilooyinkooda..
Warbixintaan waxaa inoo soo Jeedinaya:- Halima Ali Ibrahim.