In ka Badan 20 qof oo ku dhimatay khamri ay cabeen gudaha dalka Kuwait.

0
43

Jowhar- ( Radio Isnaay ) – Dawladda Kuwait ayaa xidhay 67 qof oo lagu eedeeyay in ay sameynayeen islamarkaana ay qaybinayeen khamri calaq ah oo lagu farsameeyo gudaha kaasi oo galaaftay oo ay ku dhinteen 23 qof maalmihii la soo dhaafay, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Kuwait waxay mamnuucday soo dejinta ama soosaarka gudaha ee khamrada laakiin qaar ayaa si sharci darro ah lloogu sameeyaa goobo qarsoodi ah iyada oo aan la samayn kormeer tayadana la sugin.

Wasaaradda ayaa qoraal ay soo dhigtay barta X waxa ay ku sheegtay in ay gacanta ku dhigtay lix warshadood iyo afar kale oo ku yaallay guryo la deggan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here