Hogaamiyaasha Mareykanka iyo Rushka oo ka shiraya xaalada Ukraine.

0
90

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Donald Trump ayaa soo qoray “KULAN SARE!!!” fariin kooban oo uu baraha bulshada ku soo daabacay, ka hor inta uusan u ambabixin Alaska isaga oo raacaya diyaaradda Air Force One

Waxa uu la hadlayay saxafiyiinta isaga oo saaran diyaaradda, isaga oo sheegay in dhul isdhaafsi laga wadahadli doono, laakiin taasi ugu dambeyntii ay noqon doontaa go’aan u yaalla dadka reer Ukraine, oo uusan isagu u gali doonin gorgortan.

Volodymyr Zelensky, madaxweynaha Ukrain kama qaybgelin kulanka, laakiin qoraal uu soo dhigay X ayuu ku sheegay in kulanku yahay “runtii, mid sare” iyo “waxaanu ku xisaabtamaynaa Maraykanka”, isaga oo intaa ku daray inuu doonayo in wadahadalku furmo si loo aado “dhabo lagu gaaro nabad cadaalad ah”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here