Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Liverpool ayaa dhmaaystirtay Saxiixa daafaca dhexe ee Giovanni Leoni.
Liverpool ayaa Sii wada xoojinta kooxda iyada oo Doonaysa in ay difaacato koobka premier league Xilli Ciyaareerdka Cusub.
Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Liverpool heshiis buuxa la gaadhay kooxda Parma si ay u helaan saxiixa xiddiga daafaca ka Ciyaara.
Liverpool ayaa ka bixinaysa Giovanni Leoni lacag dhan 26 Milyan oo euro.
Leoni ayaa haatan isku diyaarinaya in uu tijaabada caafimaadka u maro Liverpool.