Madaxwayne Trump oo ballanqaad u sameeyay dadka reer Qaza.

0
53

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu doonayo inuu bilaabo qorshe cusub oo bini’aadantinimo oo lagu horumarinayo gargaarka cunnada ee marinka Qaza.

Tani waxay timid ka dib markii ergaygiisa gaarka ah, Steve Witkoff, uu booqday goob gargaar lagu qaybinayo oo ay maamulaan Mareykanka iyo Israa’iil oo ku taal Qaza.

Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in hadafkiisu yahay “in uu ku caawiyo dadka Gaza si ay u noolaadaan.”

Website-ka Mareykanka ee Axios ayaa ka soo xigtay Trump Jimcihii isagoo ku dhawaaqayay inuu ka shaqeynayo qorshe dadka lagu quudinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here